Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaah-doon) iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey deegaanka…

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaah-doon) iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey deegaanka Buruc ee degmada Qandala si loo xoojiyey diyaar garawga ciidamada iyo bulshada ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Xildhibaan Maxamed Siciid, Maamulka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ugu horrayn guddoomiyaha uga warbixiyey xaaladda deegaanka Buruc oo aan lahayn waddo dhuleed haseyeeshee u furan dhanka badda oo kaliya, waxaana ay sheegeen inaysan helin taageerada guddiga taakulaynta ciidamada haseyeeshee ay hab deegaan ku dabooleen baahiyihii ciidamada.
Dhanka kalena, guddoomiyaha gobolka Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaah-doon) ayaa bulshada uga mahadceliyey dhiiranaantooda, wuxuuna sheegay in dagaalka Daacish uu hadda galay wajigii qaqabashada iyo dabar goynta, loona baahan yahay in bulshada indheheedu furnaadaan.
“Wajiga 3aad ee dagaalku galay waa daba iska raacin iyo qaqabasho, nimankii laga sifeeyey togga Jacayl waxay soo galeen buurahaan Xaysimada ah, idinkaa mas’uuliyaddeedu idin saaran tahay, waxaa la rabaa nafteena, maalkeena iyo sharafteena inaan ka difaacano cadawga soo duuley”, ayuu yiri Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaah-doon).