Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa dib xorriyaddooda ugu soo celisey Dable Xoogga Maxamed…

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa dib xorriyaddooda ugu soo celisey Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed, oo ku eedaysnaa inay saxiixeen qalliin aysan xaq u lahayn dammaanaddiisa.
Labada askari ayaa maxkamadda horteeda looga soo eedeeyey inay saxiixeen dammaanadda qalliin lagu sameeyey Marxuum Nimco Muuse Axmed oo aheyd hooyo xaamilo ah, gaaratayna xilligii dhalmada taasi oo aysan xaq u lahayn saxiixeeda.
Labada Eedeysane oo lahaa Xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaciyey in labada eedaysane la siiyey xoriyadooda, kadib markii kiiskooda la dhegaystey.



