Guddoomiye Shuute,”Askari walaalkaa cadawga ha uga cararin”.

7 March, 2025

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa ku…

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey shaqooyinkii xafiiska isla markaana uu ka qayb qaadan doono dagaalka Alshabaab.

Shuute iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo booqday furimaha dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidamada u sheegay inuu soo dhigay derejooyinkii iyo shaqadii xafiiska si uu dhiirigelin ugu sameeyo ciidamada dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, oo uu ugu baaqay inay dhulkooda xoreeyaan.

“Darajadii waan kasoo tagay,Maxkamaddii oo dagaalamaysa cadowgana Xabad ku rideysa ayaa idin la joogta,amarka sidiisa u qaata,Walaalkaana bahalka haa uga cararin”, Ayuu yiri guddoomiye Shuute.

DFS ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqday inay duulaan xooggan ku qaadi doonto kooxda Alshabaab ee todobaadadii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyada ka waddey deegaamo katirsan Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.