Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo lagu qanciyey inuu xilka wareejiyo.

7 April, 2026

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ugu dambayn xilalka u kala wareejiyey…

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ugu dambayn xilalka u kala wareejiyey guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal iyo guddoomiyihii hore oo muddo dhawr cisho ah khilaaf ka taagnaa.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo Sabtidii la soo dhaafay la sugayey inuu xilka wareejiyo ayaa baajiyey xil-wareejinta kadib markii uu sheegay inay ka maqan yihiin lacago adeeg ah oo uu ku lee yahay wasaaradda maaliyadda Puntland.

Dedaalo ay sameeyeen mas’uuliyiin heer gobol ah iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ugu dambayn lagu qanciyey guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay xafiiska Cabdulqaadir Food-cadde.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sameeyey taariikh cusub kadib markii uu halmar xilalka ka wada qaaday dhammaan guddoomiyayaasha gobolada Puntland, oo xafiisyadii ku wareejiyey guddoomiyayaal cusub oo ay kujiraan dhaqan iyo siyaasiyiin hore.