Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiyenimada Golaha…

Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiyenimada Golaha Guurtida, kadib in ka badan labaatan sano oo uu hoggaaminayay golahaas, iyadoo goluhu kulan ay yeesheen ku ansixiyay iscasilaaddiisa.
Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo duruufo la xiriira da’diisa iyo in uu muddo aad u dheer soo hayay xilka guddoomiyenimada Golaha Guurtida, isagoo xusay in la joogo xilligii uu xilka wareejin lahaa.
Kadib ansixinta iscasilaadda, Golaha Guurtida Somaliland ayaa cod gacan-taag ah ku doortay Muuse Xaaji Cabdi Du’caale inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida. Doorashada ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo xubnaha goluhu ay si aqlabiyad leh u taageereen magacaabistiisa.
Go’aanka guddoomiyaha ayaa waxaa qaadacday laba mudane iyadoo labo kale ka aamuseen halka dhammaan xubnihii kae ee fadhiga soo xaadiray ansixiyeen.




