Guddiga doorashada barlamaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xubnaha u taagan…

Guddiga doorashada barlamaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xubnaha u taagan qabashada xilalka guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi.
Liiska kursiga guddoomiyaha barlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa waxaa ku soo baxay musharixiinta kala ah, Aadan Cabdullaahi Xasan iyo Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed, halka guddoomiye ku-xigeenka labaad ay ku tartarmi doonaan 2 musharax, iyadoo si hordhac ah guddoomiye ku-xigeenka 2aad uu ugu guulaystay Cabdirisaaq Jaamac Warsame maadaama uu yahay musharaxa kaliya ee u taagan.

Doorashada guddoonka barlamaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashooyinka goluhu.



