Guddoonka golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in la daahfuray…

Guddoonka golaha shacabka barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in la daahfuray ajandaha waxka beddelka cutubyada 5aad iyo 9aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.
Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa guud ahaanba meesha looga saaray tallaabadii ay xildhibaanada mucaaradku ku horjoogsadeen furitaanka ajandahaan oo ah mid xasaasi ah kuna soo beegmay xillu uu dhammaaday yahay waqtigii golayaasha dowladda.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 180-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31-Senator oo Aqalka Sare ah, waxaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo qeybiyey warbixinta soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, warbixinta faahfaahinaysa soojeedimaha iyo sidoo kale soojeedin kooban oo ku saabsan wax-kabeddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka in ay soo akhriyaan soojeedimaha iyo warbixinta la socota si looga doodo.



