Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa caawa kulan afur ah iyo is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda dalka u sameeyey xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaana kulanka uu ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqaynta, wadatashiga iyo isfahamka u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta, si loo mideeyo mowqifyada la xiriira arrimaha muhiimka u ah Puntland iyo guud ahaan dalka.



