Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirsaaq Axmed Siciid ayaa Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda oo…

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirsaaq Axmed Siciid ayaa Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda oo ay ka wada hadleen bixinta xuquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.
“Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen guddiga maaliyadda golaha iyo madaxda wasaaradda maaliyadda ayaa ujeedkiisu ahaa helidda xogta arrimaha dhaqaalaha dalka, dabagalka nidaamka guud ee maaliyadda, kharash bixinta qoondada miisaaniyadda hay’adaha dawladda, iyo kor-joogteynta dhaqan-gelinta miisaaniyadda 2025 ee goluhu ansixiyay. Waxaa si gaar ah kulanka ugu kor istaagnay xaquuqda shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan cabashooyinka jira”, Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddoonka.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland waxa uu sheegay in ay wasaaradda maaliyadda u soo jeediyeen in ay ilaaliso xuquuqaadka shaqaalaha, ciidamada iyo hay’adaha dawladda uguna bixiso sida ugu dhaqsaha badan xuquuqaha ka maqan.
Puntland waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa cabashooyin ay samaynayaan shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada dowladda oo sheegay inay Wasaaradda maaliyadda ka waayeen mushaharkii iyo xuquuqihii maaliyadeed ee ay ku lahaayeen.



