Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya Dr Aadan Cabdullaahi ayaa sheegay in dhul ballaaran oo…

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Waqooyi-bari Soomaaliya Dr Aadan Cabdullaahi ayaa sheegay in dhul ballaaran oo ka xiga dhinacyada bariga iyo waqooyi galbeed ay ka maqan yihiin maamulka uu metelo isagoo ku eedeeyay Puntland iyo Somaliland inay haystaan dhul aysan xaq u lahayn. Wuxuu sheegay in maamulka Waqooyi-bari uu qorsheynayo in uu soo celiyo.
Gobolka Sanaag inta badan maamulka Puntland ayaa gacanta ku hayo, halka Somaliland ay maamusho dhul kooban oo ay ku jirto magaalada Ceerigaabo, Sidoo kale Somaliland waxay gacanta ku haysaa qaybo ka tirsan gobolka Sool oo ay ka mid tahay magaalada Caynaba.
“Dhul ayaa nooga maqan deegaannada bariga (Puntland) iyo Waqooyi-galbeedba (somaliland), waan soo celin doonaa xuduudaha heshiis kuma nihin maamullada hareeraha naga xiga.” Ayuu yiri Dr Aadan.
Maamulka cusub ee Waqooyi-bari oo dhawaan la dhisay ayaa iminka ka taliyo qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, Si kastaba ha ahaate caqabad weyn ayaa hor taagan maamulka cusub maadaama dhulka intiisa badan ee uu sheeganayo uu gacanta ugu jiro maamulada Somaliland iyo Puntland.
Waxaa maamulka Waqooyi-bari uu ku doodayaa in dhismihiisa ku midoobeen dadka degan gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku adkaystay in dhulkan uu si buuxda u metelo maamulkooda islamarkaana ay qorsheynayaan inay ku soo celiyaan taladooda.
Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa horay isku dhacyadooda u dhaxayn jiray dhinaca dhulka iyo deegaamo ay kala qabsadeen, Hadase maamulka Waqooyi-bari ayaa kusoo biiray khilaafka dhulka taas oo sii adkayn karta xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee deegaanadan.



