Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal “Mucaaradku ha adkaystaan dad baa 27 soo adkaysanayey”

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer ayaa si adag ula hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ku…

20 September, 2025

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer ayaa si adag ula hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Puntland wuxuuna sheegay in dowladda hadda jirta ay tahay dowlad rasmi ah oo sharciyad haysata isla markaana aan jirin wax Puntland cusub la yiraahdo sida ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ka soo yeeray.

Mukhtaar Faarax Jeer ayaa u sheegay siyaasiyiinta mucaaradka inay adkaysi muujiyaan inta ay dowladda xilka haysa isagoo xusay in dad badan ay muddo dheer ka maqnaayeen siyaasadda haddana ay dulqaad u yeesheen sidaas darteedna aanu habboonayn in la carqaladeeyo mudada xil heynta ee xukuumadda Saciid Deni.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe dhaliil xooggan u jeediyey siyaasadda iyo hoggaaminta Madaxweyne Saciid Deni. Abgaal ayaa sheegay in dib u soo noqoshadiisu ay qeyb ka tahay qorshe uu ugu magac daray dhismaha Puntland cusub.

Hadalladan ayaa ka dhaliyey dood siyaasadeed oo ka dhex aloosantay Puntland iyadoo xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ay ka jawaabeen eedeymaha mucaaradka waxaana wasiirro iyo madax kale ay mucaaradka ku dhaliileen inay wadaan qorshe lagu wiiqayo jiritaanka iyo midnimada Puntland balse usuurta galayn.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa inta badan ah masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka Puntland kuwaas oo sanadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaana xiriirka dhow ee ay la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya oo iyaduna khilaaf kala dhexeeya Puntland.