Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar habeenimadii xalay lagu qaaday guri uu magaalada Boosaaso…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar habeenimadii xalay lagu qaaday guri uu magaalada Boosaaso ka deggan yahay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon).
Weerarkaan ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay hal askari oo katirsan ciidanka ilaalada guddoomiye Shaahdoon oo xilligaan lagu dabiibayo cisbitalka weyn ee Boosaaso, sida uu Horseed Media u xaqiijiyey mid kamid ah laamaha ammaanka gobolka Bari.
Ilo wareedyo ku sugan Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadaani ay xiriir laleedahay tallaabadii guddoomiye Shaahdoon iyo wasiirka amniga Puntland ku joojiyeen shaqo ka socotey guri uu jidka Sodonka Boosaaso ku leeyahay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.
Laamaha ammaanka gobolka Bari ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan weerarka lagu qaaday guriga guddoomiye Shaahdoon, waxaana dhacdadani ku soo beegmaysaa xilli muddooyinkii dambe ay Boosaaso ku soo badanayeen dhalinyaro ku hawlan falal ammaanka liddi ku ah.



