Guuleed Saalax oo bulshada Puntland ugu yeeray la xisaabtan dowladeed.

3 June, 2025

Guuleed Saalax Barre oo kamid ah siyaasiyiinta deegaamada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed, aammaan, dhaqaale…

Guuleed Saalax Barre oo kamid ah siyaasiyiinta deegaamada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed, aammaan, dhaqaale iyo isla xisaabtanada bulshada iyo xukuumadda Puntland.

Ugu horrayn Guuleed ayaa sheegay in Puntland ku sugan tahay xaalad dhaqaale xumo oo aad u liidata ayna xukuumaddu gabtay doorkeedii shaqo abuurka, meelaynta dhalinyarada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Nolol ayey runtii dadku maanta kunool yihiin tahriibka kaliya ma ahan ee ganacsigii iyo qoysaskii ayaa xitaa guuraya oo ajnabi u aadaya inay nolol middaan ka fiican helaan, haddii sidaan lagu socdo dhulkaani baylah ayuu noqonayaa”, Ayuu yiri Guuleed.

“Sax maaha in la dhoho hoggaanka shan sanno ayaan lala hadlin, dowladnimada qof male; hoggaanka haddii ay celin waayaan xeerarka & diintu; waa in bulshadu la xisaabtanto”, Ayuu yiri Dr Guuleed Saalax Barre.