Hadal-hayn ka dhalatay jawaab uu xalay bixiyey RW Xukuumadda Somalia.

16 September, 2025

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre oo wax laga waydiiyey wadashaqaynta kala…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre oo wax laga waydiiyey wadashaqaynta kala dhexaysa Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay inuu xushmad u hayo uusanna khiyaami doonin madaxweynaha ama la imaan doonin aragti ka duwan.

Jawaabtaan ayaa abuurtay hadal hayn xooggan, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka, siyaasiyiin iyo xubno katirsan golaha wasiirada Somalia ay siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen.

“RW Xamse wuxuu isku tilmaamay qof uu Xasan Sheekh gidaar kasoo kaxaystay, oo cidna matalin, wuxuu dafiray sida dastuuriga ah ee kuraasta loogu qeybsaday”, Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Sanyare oo katirsan barlamaanka Somalia.

Dhanka kalena, xildhibaan Cali Xoosh oo katirsan golaha xukuumadda Somalia ayaa sidaan u difaacey hadalka RW Xamse,”Hadalkii Ra’iisul Wasaare Hamse wuxuu ahaa mid muujinaya ixtiraamka iyo kalsoonida kala dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha. Waana fariin cad oo muujinaysa bisayl iyo qaan-gaarnimo siyaasadeed, tusaalena u ah masuuliyad qaranimo Iyo soomaali aan madaxdeedu khilaaf lahayn”.