Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaTurkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in Turkiga uu ku biiri doono Axdiga Amniga Yurub, isagoo carabka ku adkeeyay in weerarada Israa’iil ee Suuriya ay ka dhigan yihiin daandaansi cad.

Hakan Fidan ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska, in Turkiga uu doonayo inuu qeyb ka noqdo qaab dhismeed kasta oo amniga Yurub ah haddii NATO ay burburto.
“Fallooyinka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxay nagu baraarujinayaan inaan midowno oo aan naqshadeyno xarunteena culeyska culeyska, xitaa haddii Trump uu go’aansado inuu sii joogo Yurub, kuwa kale ayaa laga yaabaa inay tixgeliyaan yareynta ka qayb qaadashada Washington ee amniga Yurub.”ayuu yiri; Hakan.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa cambaareeyay weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku hayso dhulka Suuriya iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada cusub ee ka socda Koonfurta dalkaasi, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka dhigan yihiin daandaansi cad oo ku wajahan dalalka Gobolka.
Fidan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Israa’iil ay khatar u aragto waddan kasta oo carab ah iyo Islaami ah, taasina ay tahay arrin aad khatar u ah, waxayna tilmaantay in istaraatijiyadda Tel Aviv ay tahay in dhammaan dalalka ay daciifaan oo aanay awoodin inay difaacdaan xuduudahooda.
Wasiirka Turkiga ayaa carabka ku adkeeyay in Ankara aysan horay uga warqabin weerarka uu Hayat Taxriir Al-Shaam ku qaaday maamulka Suuriya, kaasoo sababay in ay gacanta ku dhigaan dalka Suuriya, isla markaana uu ka baxsado madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashaar Al-asad.
Horseed Media