Hanjabaaddii Trump ee Iran oo walaac ku abuurtay dalalka Khaliijka Carabta.

16 January, 2026

Dhammaan wadamada Khaliijka Carabta ayaa daawanaya dibad-baxyada iyo rabshadaha Maraykanku dabada ka riixayo ee ka socda…

Dhammaan wadamada Khaliijka Carabta ayaa daawanaya dibad-baxyada iyo rabshadaha Maraykanku dabada ka riixayo ee ka socda deriskooda Iran, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hanjabey tallaabo milatari oo ka dhan ah Tehran.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa siweyn ugu ololaynaysay in maamulka Mareykanka uu ka fogaado weerar ka dhan ah Iiraan, halka Qatar iyo Cumaan ay diiradda saareen dedaalo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Iiraan iyo Mareykanka.

Saddexda waddan ayaa bilaabay qorshahaan kadib markay Arbacadii soo baxday warbixinta sheegaysa in xiriirka Washington iyo Tehran uu burburay, taasoo keentay cabsi ah in weerar lagu qaado Iiraan.

Trump ayaa ugu baaqay Iiraaniyiinta inay la wareegaan hay’adaha dowladda, isagoo ballanqaaday in “caawintu ay soo socondoonto”, inkastoo aan la caddayn nooca weerar ee uu Maraykanku doonayo inuu ku qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Wadamada Khaliijka Carabta ayaa siweyn uga cabsi qaba in weerar milatari oo lagu qaado Iiraan uu carqaladeyn karo qiimaha saliidda, burburin karo sumcaddooda iyo ammaanka isu socodka ganacsiga Bariga Dhexe.