Haraadiga Maamulkii Lafta-gareen oo hubkii lagala wareegey ayaa isaga baxay baydhabo.

24 April, 2026

Qaar kamid ah xubnaha hoggaankii Maamulka Koonfur Galbeed ee Madaxweyne Lafta-gareen ayaa bilaabay inay isaga baxaan…

Qaar kamid ah xubnaha hoggaankii Maamulka Koonfur Galbeed ee Madaxweyne Lafta-gareen ayaa bilaabay inay isaga baxaan Magaalada Baydhabo, kadib cabsi ka soo wajahdey hoggaanka cusub ee la wareegey ammaanka deegaamadaasi.

Xubin kamid ah maamulkii hore ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in lagu bilaabay beegsi hantiyeed lagalana wareegey hub, gaadiid dagaal iyo agab kale oo ay ku haysteen guryohooda ku yaalla gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka u ah Koonfur Galbeed.

Ciidanka dowladda federalka ah ee Somalia oo sheegay inay sugayaan ammaanka ayaa la xaqiijiyey inay fuliyeen hawlgallo lagu beegsanayo guryaha ay leeyihiin siyaasiyiin katirsanaa maamulkii Lafta-gareen iyagoo la baxay agabyo kala duwan.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta katirsanaa maamulkii hore ayaa bilaabay inay ka baxsadaan Baydhabo, xilli ciidamo taageersanaa Madaxweyne Lafta-gareen ay dhawaan u gudbeen xuduudka gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dalka Itoobiya.