Hareeraha Magaalada Garoowe oo laga mamnoocay dhaqashada Geela.

17 August, 2025

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa joojisay dhaqashada Geela meelaha ku dhow Caasimadda, iyadoo u cuskanaysa…

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa joojisay dhaqashada Geela meelaha ku dhow Caasimadda, iyadoo u cuskanaysa inuu caqabad ku noqday qorshayaasha cagaarinta Magaalada caasimadda.

Xoghayaha Dowladda hoose Cabdalle Maxamed oo ay wehelyaan Mas’uuliyiin katirsan Dowladda hoose ayaa kormeer shaqo oo wacyi galin ah ku tagay Xeryaha geela ee kudhow magaalada.

Dowladda hoose ayaa digniintii ugu danbaysay siisay ganacsatada geela dhaqata, waxaana la faray in ay Geelasha ka raraan gudaha magaalada, Iyadoo aan la ogolayn in geel lagu dhaqdo inta udhaxaysa Kantaroolada iyo gudaha Magaalada ama masaafo ahaan ilaa 15 KM.

Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa horay uga caban jirtey ariga lagu dhex haysto magaalada, waxaana sanadihii dambe hareeraha Magaalada ku soo badanayey geela Barqa-maalka loo yaqaan.