Dadka deggan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, maamaulka Somaliland ayaa subaxnimadii Khamiista ku waabariistey dhacdo argagax…
Dadka deggan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa, maamaulka Somaliland ayaa subaxnimadii Khamiista ku waabariistey dhacdo argagax leh, kadib markii gaari nooca yaryar ah oo madow laga dhex helay laba qof oo meyd ah.
Labada qof ayaa kala ahaa wiil iyo gabadh, waxaa socda baaritaan ku aadan waxay ahaayeen iyo sababta dhimashadooda.
Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaa xaqiijiyay in lasoo gaarsiiyay meydka labada qof, kuwaasi oo saaka laga dhex helay gaarigoodi, waxaana ay wadaan baaritaan.
Wararku waxay sheegayaan in wiilka la aqoonsadey isla markaana uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland.
Horseed Media