Haweeney ku eedaysan dilka seygeeda oo lagu qabtay Muqdisho.

21 November, 2025

Laamaha ammaanka Magaalada Muqdisho oo hawlgallo ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku…

Laamaha ammaanka Magaalada Muqdisho oo hawlgallo ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dilka ninkeeda.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha xaafadaha degmada Dayniile ayaa laamaha ammaanku ku soo qabteen Faadumo Maxamed Cismaan oo ku eedaysan inay mindi ku dishey seygeeda.

Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in haweeneydaani ku eedaysan tahay dilka marxuum Xasan Maxamed Nuur, kaasoo la tilmaamay inuu dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray toorey ay ku dhufatay xaaskiisa.

War qoraal ah ka soo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir lagu sheegay in laamaha amaanka ay wali wadaan baaritaan la xariira sababaha rasmiga ah ee keenay dilkan, islamarkaana haweeneyda la horkeeni doono Maxkamadda.