Qaar kamid ah haweenka ganacsiyada yaryar ku haysta suuqyada Magaalada Galkacyo ayaa dhigay banaanbax ay kaga…

Qaar kamid ah haweenka ganacsiyada yaryar ku haysta suuqyada Magaalada Galkacyo ayaa dhigay banaanbax ay kaga soo horjeedaan awaamiir ka soo baxday dowladda hoose ee degmada Galkacyo.
Haweenka oo isugu soo baxay waddooyinka Galkacyo ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan go’aankii ay dowladda hoose ee Galkacyo qaybta Puntland kaga rartay goobohoodii ganacsiga.
Ciidamo ka amar qaata dowladda goobta gaarey ayaa kala eryey haweenka waxaana ay u sheegeen in wixii cabasho ah ku aadiyaan xafiiska maamulka haseyeeshee aysan aqbali doonin mudharaadka magaalada.
Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacyo ayaan weli ka hadlin cabashada haweenkaan oo kamid ah kuwa haysta ganacsiyada yaryar ee Magaalada, xilli muddooyinkii dambe ay shacabku ka cabanayeen waxqabad la’aan dhanka maamulka ah.



