Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni , ayaa caawa ka qeybgalay kulan loogu mahadceliyey laguna…

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni , ayaa caawa ka qeybgalay kulan loogu mahadceliyey laguna boggaadiyey Haweenka Puntland kaalintii ay ka qaateen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, oo hadda ka socda buuralayda Calmiskaad.
Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa xusay in Haweenka Puntland ay laf-dhabar u yihiin halganka socda, ayna duur muuqda oo dhinac kastana ka qaateen Halwgalka ka socda Calmiskaad, wuxuuna ku maamusay in billada ugu qaalisan Puntland in ay mudanyihiin Haweenka Puntland oo mustaqbalka lagu abaalmarin doono marka Hawlgalada Hillaac ee Calmiskaad iyo Onkod ee Calmadow ay soo dhammaadaan.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Haweenka Puntland, Haldoorkooda iyo qeybaha kala duwan ee Haweenka Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo marti sharaf kale, Waxaana intuu Kulanka socday lasoo bandhigay doorkii Haweenku ka qaadanayaan hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo Puntland .





