Haweenka SSC KHATUMO oo dalbaday matalaad siyaasadeed.

1 July, 2025

Qaar kamid ah haweenka deegaamada maamulka SSC KHATUMO ayaa shir ay ku qabteen Magaalada Laascaanood kaga…

Qaar kamid ah haweenka deegaamada maamulka SSC KHATUMO ayaa shir ay ku qabteen Magaalada Laascaanood kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee maamulkaasi iyo marxaladda kala guurka.

Haweenka oo ku dheeraaday doorkii ay ka qaateen halgankii 2023 ayaa ugu baaqay dhammaan isimada dhaqanka iyo hoggaanka maamulka SSC KHATUMO in la siiyo xuquuqdooda ka qaybgalka siyaasadda iyo matalaadda bulshada.

“Maandeeq waa curatay xilligii samatabixinta waa dhammaadeen waxaana la joogaa maalmihii Malabka, hablaha SSC waxaan lee yahay dal iyo dibadba isa soo xaadiriya oo xaqiina doonta, waxaan ugu baaqaynaa garaadada, hoggaamiyaha iyo dhammaan xukuumadda, dowladdu haween la’aan socon mayso, geesiga iyadaa dhashay, waan ku dhimanay nolosha ragaw saad u rabtaan ayaan u rabnaa duruufana waa noo dheeryihiin, waxaan doonaynaa xaqeena”, Ayey tiri mid kamid ah haweenka SSC KHATUMO.

Haweenka ayaa ku goodiyey inay tashan doonaan haddii aan la siin xuquuqdooda iyo matalaaddooda siyaasadeed maadaama ay yihiin qaybta ugu badan ee bulshada deegaamada maamulkaasi.