Hawlgalka Cal-miskaad oo lagu diley 3 kamid ah Daacish laguna qabtay hub cusub.

27 August, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee hawlgalka sifaynta ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa diley…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee hawlgalka sifaynta ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa diley saddex xubnood oo katirsan Daacish iyagoo gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan.

Qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa lagu sheegay in hawlgal ka dhacay inta u dhexaysa Maragaale iyo Kal-idaad ee togga Baalade lagu diley dhagar qabayaashaasi lagana helay qaniimo xooggan.

Ciidanku waxay dileen 3 Firxad Argagixiso Ah, Waxay gacanta ku dhigeen Hub iyo Saanad, Hawlhalka ayaa ka dhacay inta u dhexaysa Maragaale iyo Kal-Idaad ee Togga Baallade ee Buuralayda #Calmiskaad“, Ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalinimadii shalay ayaa ciidanka difaaca dowladda Puntland si rasmi ah gacanta ugu dhigeen ceelka Kal-idaad oo kamid ahaa goobihii ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka Daacish ee ka soo cararay qaybo kamdi ah buuraleeyda Cal-miskaad.