Hay’adda NISA oo 82 horjooge ku dishay hawlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose

21 March, 2025

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgallo duqeyn ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 82 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaadka Khawaariijta, halka 19 kalena dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.

Hay’adda NISA, ayaa markale dadka rayidka ah ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaariijta ah oo bartilmaameed u ah Ciidamada Qaranka.

War saxafaadeedka NISA ayaa lagu xusay in Howlgalladan lagu naafeeyay argagixisada oo ilaa iyo xalay soo gaaray uu yimid kaddib markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka ay heleen xogta koox Al shabaab ah oo isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

Horseed Media