Hay’adda NISA oo burburisay gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxisay argagixisada Al-shabaab

26 February, 2025

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaciyay in duqeyn lagu burburiyay gaadiid qaraxyo kasoo buuxiyeen kooxda argagixisada Al-shabaab oo ay doonayeen iney ku weeraraan deegaanka AlKowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgal duqayn ah oo ay xalay fuliyeen ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka iyo saaxiibbada caalamka ayaa lagu naafeeyay argagixisada Al-shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaannada Sigato iyo Lebi Aw-Xasan oo u dhexeeya degmooyinka Ruun-nirgood iyo Al-kowthar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Goobahaas ayaa cadowga looga gubay kolonyo gaadiid ah oo ay kasoo buuxiyeen qaraxyo, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay dhammaan malleeshiyadii la socotay baabuurta.

Horseed Media