Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka…

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada, dallaalliinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego-nuglaadaan amarada kasoo baxa kooxda Alshabaab oo ay kamid yihiin bixinta waxay ugu yeertay lacagaha badda ah.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 4-tii Diseembar 2024, kaasoo ku saabsanaa joojinta maalgelinta argagixisada.
NISA waxay shaaca ka qaaday in si dhow loola soconayo dhaqdhaqaaqyada la xiriira la macaamilka Alshabaab, waxayna sheegtay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Horseed Media