Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo sheegtay in iskaashiga Finland uu horseedayo horumar joogto ah

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa muddo saddex maalmood ah magaalada…

29 October, 2025

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa muddo saddex maalmood ah magaalada Muqdisho ku martigeliyay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Finland. Wafdigan ayaa uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Hay’adda adeegga socdaalka Finland (FIS), iyadoo ay wehelinayeen safiir ku xigeenka iyo taliye ku xigeenka booliiska dalkaas.

Kulamadan ayaa daba socday safarkii uu bartamihii sanadkan Agaasime Dhuxulow ku tagay dalka Finland, safarkaas oo ahaa mid sahan ah oo lagu qiimeynayay awoodda hay’adda Soomaaliya u leedahay maareynta xuduudaha iyo maamulka socdaalka iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah.

Intii kulamadu socdeen, waxaa la isku afgartay muhiimadda wada shaqaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya ee amniga iyo socdaalka, gaar ahaan Booliiska, CID, iyo Interpol. Waxaa lagu adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga si loo helo nidaam socdaal ammaan ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Sidoo kale, wafdiga dowladda Finland ayaa booqday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kormeereen nidaamyada casriga ah ee PISCES iyo Interpol. Nidaamyadan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga xuduudaha iyo socodka sharci ee dadka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay wafdiga Finland booqashada iyo taageerada ay siiyaan hay’adda, isagoo xusay in iskaashigan uu horseedi doono horumar joogto ah iyo adeegyo tayo leh oo lagu kasbado kalsoonida bulshada iyo caalamka.