Herdanka Quwadaha Adduunka: Wejiga Cusub ee Suuriya iyo Colaadda Bariga Dhexe

27 December, 2024

Siyaasadda caalamka ayaa in muddo ah indhaha ku haysay colaadaha ka kala socda qaarada Yurub iyo qaarada Aasiya gaar ahaan Bariga Dhexe.

New Syria

Dagaalka ka socda qaarada Yurub ee u dhaxeeya dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa aad u saameeyay dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamka, dagaalkaas oo hadda saddex sano jirsadey ayaan wali wax xal ah loo helin, inkastoo ay jirto rajo yar oo ku aadan in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu gorgortan siyaasasadeed ka gali doono sidii loo joojin lahaa dagaalkaas oo heshiis loo dhex dhigi lahaa labada garab ee iska soo horjeeda.

Dhanka kale colaadda Bariga Dhexe ka soo cusboonaatay bishii Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-dii ee ka bilaabatay weerarkii ay kooxda Xamaas ka geysteen gudaha dalka Isa’iil oo ay ku laayeen dad ku dhaw 1200 qof, dad tiradooda 200 oo qof kor udhaafeysana ay ku afduubteen ayaa noqotay mid soo laba kicisay colaadihii Bariga Dhexe gaar ahaan qadiyadda Falastiin.

Weerarkii Oktoobar kadib dowlada Isra’iil oo ku andacooneysa inay ka falcelineyso weerarkii Xamaas ayaa dagaal ku qaaday ururka Xamaas iyo saldhigyadiisa Marinka Gaza. Weerar celintaas Isra’iil ku gashay Marinka Gaza oo ujeedkiisii hore ahaa is-difaac iyo soo furasho maxaabiistii laga qabsaday ayaa isku badalay weerar wakhti dheer oo shacabka Falastiin ay ku muteen xasuuq iyo barakicin, iyadoo gebi ahaan dhulka la dhigay magaalada Gaza iyo goobaha ugu muhiimsan magaalada sida isbitaalada, jaamacadaha, iskuulada, xarumaha dowlada, xeryaha qaxootiga iyo dhamaan goobaha bixiya adeegyada bulshada.

Weerarka Gaza oo maanta sii maraaya mudo 440 cisho ka badan oo is daba joog ah ayaa waxaa lagu dilay dad tiradoodu kor udhaafeyso 45,000 oo qof, halka tirada ku dhaawacantay ay 100,000 qof kor u dhaafeyso.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa dhawr jeer loosoo gudbiyay qaraaro lagu eedeynayo xadgudubyada dowlada Isra’iil, islamarkaasna lagaga dalbanayo xabbad joojin shuruud la’aan ah, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa ugu yaraan 4 jeer is-hortaagtay oo isticmaashaya awoodeeda (Veto Power) in qaraaradaas loo gudbiyo kalfadhiga guud ee Golaha Qaramada Midoobay.

Dowlada Isra’iil ayaa baaqyada xabbad joojinta ee caalamka dhegaha ka fureysatay, waxeyna dagaalka ku fidisay wadanka Lubanon iyadoo weeraro ku dishay saraakiisha waaweyn ee ururka Xisbullaah. Isra’iil ayaa weeraro cirka ah ka geysatay goobaha shacabka ee dalkaas si ay isaga horkeento shacabka reer Lubanon, xukuumada Lubanon iyo ururka Xisbullaah. Haseyeeshee waxey uun ku guuleysatay hadafkedii hore halka kan danbe oo ah in shacabka ay ka horyimaadaan ururka Xisbullaah ay ku guuldareysaty.

Iyadoo ay socdaan dadaalo heer gobol ah iyo kuwa heer caalami ah oo ku aadan xallinta colaada Bariga Dhexe ayaa labo asbuuc kahor si lama filaan ah waxaa dib u soo xoogeystay dagaalkii Suuriya ee u dhaxeeyay xukuumada Bashar Al Asad iyo xoogagii mucaaradka. Kooxaha mucaaradka ee lagu magacaabo HTS waxey ku guuleysteen inay magaalada Allepo dowlada kala wareegaan kadibna ay mudo gaaban gudaheeda magaalooyinka isku fidiyaan.

Dalka Suuriya ayaa wixii ka danbeeyay gu’gii carabta (Arab Spring) waxaa ka bilawday kacdoon shacab oo lamid ahaa kuwii dalalka Carbeed ee iyada lamid ah ka jiray. Kacdoonkaas oo dalka Tuuuniisiya kasoo bilawday sanadkii 2011-kii ayaa waxey shacabka waddamo badan oo Carbeed ay isku duruufo dhaqaale xumo iyo maamul xumo ka jireen oo salka ku hayay nidaam keligii-talis ah oo ragaadiyay xoriyadda iyo horumarka shacabka dalalkaas hiigsanayeen.

Dagaalkii sokeeye ee Suuriya 2011-kii

Dalka Suuriya ayaa dagaal sokeeye galay sanadkii 2012-kii, iyadoo ay xukuumadda Bashar ka horyimaadeen jabhado hubeysan oo ku dul aas aasmay kacdoonadii aan hubeysneyn ee gu’ga carabta. Xukuumadda ayaa kacdoonadaas kadib sii adkeysey ugaarsiga iyo beegsiga hay’adeeda sirdoonka kula jiraan dadka xukuumada ka fikir duwan, iyadoo ay buux dhaafiyeen xabsiyada, sidoo kale gacan adag kala hortagtay cabashada iyo dareenka shacabka u qabeen inay helaan madaxbanaani iyo xoriyotul qawl ay ku cabiraan rabitaankooda.

Gaboodfalka xukuumada Bashar ee labo jibaarantay ayaa kooxaha mucaaradka u-saamaxday inuu fikirkooda xoogeysto oo ay xuubsiibtaan mucaarad hubeysan waxaana ugu weyneyd jabhadii Syria Free Army oo ahayd kuwa ay hogaaminayaan dagaalyanno sunniyiin ah oo hore uga tirsanaa kooxdii al-Qaacida ee dalka Ciraaq ka dagaalamaysay.

Xukuumadda Suuriya oo dhowr sano dagaal kula jirtay mucaaradka kuna guuldareysatay inay ka adkaato qeybo badan oo dalka ahna gacanteeda ka baxday ayaa sanadkii 2015:ka waxey garab weyn ka heshay dowladda Ruushka iyo dowladda Iran, iyadoo ciidanka Ruushka ee calooshood u-shaqeystayaasha ah ee (Warner Group) ku guuleysteen inay kooxihii mucaaradka ee ahaa huwan Islaamistiyiin ah ku jabisay duqeymo cirka ah, kuna go’doomisay goobahooda oo ay ku adkaatay inay uga sii gudbaan caasimada.

Arintaan ayaa markii danbe dhalisay quwadaha waaweyn ee Suuriya isku haysta inay ku heshiiyaan in qolo walba ay meesheeda ku ekaato.

Suuriya oo cunaqabateyn iyo kala qeybin ku jirtay 12 sano

Dagaalkii sokeeye ee Suuriya ayaa laga dhaxlay inuu dalka burburo oo sadex qeybood u qeybsamo. Gobolada Waqooyi Bari waxaa qabsaday jabhada Kurdida, iyagoo garab ka haysta Mareykanka, deegaankaas oo hodan ku ah shidaalka Suuriya. Dhanka Waqooyi Galbeed waxaa qabsaday kooxaha Sunniyiinta oo iyaga haysta taageero xoog badan maadaama sunnida ay yihiin dadka ugu badan wadanka Suuriya oo muddo dheer xukunka ka maqnaa maadaama ay dalka haysteen isbahayesi ay hogaamiyaan Calawiyiinta oo iyaga kamid ah dadka tirada yar, kooxdaan sunnida oo markii danbe la baxday Hayat Tahrir Al-sham (HTS) ayaa ku tiirsaneyd dalka Turkiye oo isaga xuduud la leh dalka Suuriya, dagaalna kula jira kooxaha Kurdida ee xarumaha ku leh gobolada Kurdida degto ee Suuriya.

Koonfurta dalkaas oo ay ku yaalaan marinka biyaha ee badda dhexe ee loo yaqaan Mediterranean Sea iyo caasimada Dimishiq ayaa waxay kusoo hartay gacanta xukuumadda Bashar iyadoo garab ka heleysa dowlada Ruushka oo iyadu saldhigyo ciidan badeed muhiim ah ku leh badda Meditreyniyanka ee marta magaalo xeebeedyada Latakia iyo Tartus iyo hal saldhig oo Berriga ah. Sidoo kale waxey ay gacan ka heleysay dalka Iran oo hubka iyo ciidanka uu usoo tababaro kooxaha Xisbullaah iyo Xamaas u dhex marsiin jiray dalka Suuriya, sidoo kale difaaci jiray xukuumadda Suuriya oo ay hogaamiso Calawiyiinta oo hada Shiicanimada dhabarka saartay oo ay awoodoodii daciiftay waxey ka fogaadeen mabda’oodii markii hore ahaa wadaniyad ku dhisan carabnimo iyo nidaam dowladnimo oo aan diin ku saleysneyn (Secularism).

Xukuumadda Suuriya oo qeybo badan oo dalka ah faraheeda ka baxay ayaa waxaa intaas u sii dheereyd inay ku socdeen cunaqabateyn iyo sidoo kale in laga haystay dhaqaalihii kasoo baxaayay ceelasha shidaalka ee dalkeeda, waxaana sii wiiqmeysay awoodda dowlada iyo moralka ciidamada dalka oo la sheegay inay mushaar u qaadanaayeen qiyaastii 30$ ilaa 40$ bishii, taasoo markii danbe keentay in kooxaha mucaaradka hubeysan ay si fudud dalka u qabsadaan iyagoo jawaab xoogan ka helin ciidamada dowlada sidii ka dhacday dalka Afganistan oo ay xukunka ugula wareegeen Taalibaan xoogagaii dowlada Afganistan markii ay dalka ka baxeen xoogagii shisheeye ee dowlada Mareykanku hoggaamineysey.

Xukuumadii ugu cimri dheereyd?

Xukuumadda Bashar Al-Asad oo kamid ahayd keligii-taliyaashii ugu cimri dheeraa ee dalalka carbeed soo martay, hadeysanba ahayn midii ugu cimri dheereed ayaa waxey jirtay muddo 54 sano ah, iyadoo Xafid Al Asad uu xukunka dalka inqilaabay sanadkii 1970-kii, wuxuu kamid ahaa hogaamiyayaashii carbeed ee xukunka yimid xilligii gumeystaha ka baxay Afrika iyo Carabaha kadib oo ay xooganeyd dareenka wadaniyeed iyo qowmiyeed ee ku saleysneyd mideynta shucuubta oo lagu magacaabi jiray ( Pan Arabism & Pan Africanism) ee ka jiray dalalkaas xornimada ka qaatay gumeystayaashii reer galbeedka.

Xukumadihii la midka ahaa ee ka jiray gobolka ayaa kuwa badan oo lamid ah xididada loo siibay wixii ka danbeeyay gu’gii carbeed, waxaana ay badankooda u dhaceen si foolxun, iyagoo shacabkoodii laga horkeenay. Waxaana muuqata inaysan wax cashar ah ka baran xukuumadii Asad oo isaga iyo qoyskii markii danbe dalka isaga baxsaday, iyadoo shacabka Suuriya ay caleemo qoyan kusoo dhaweynayaan kooxihii mucaaradka dalka la wareegay iyo shaashadaha wargeysyada aduunka oo baahinaaya dadkii xabsiyada mudo dheer lagu hilmaamay oo lagu jirdilay iyo dadkii dadkooda la lawaayay oo farxad iyo xanuunkii ay soo mareen la ilmeynaaya.

Sidee meelaha kale looga arkay dhiciddii xukuumadii Bashar Al Asad?

Xukuumadii Bashar Al Asad dhicideeddii shacabka Suuriya markii laga yimaado waxey macne kale duwan u lahayd wadamada ku lug lahaa dagaalkaas.

Dalka Suuriya ayaa kamid ahaa isbaheysiga loo yaqaan (Axis of Resistance) oo kasoo horjeeda awoodda Isbahaysiga reer Galbeedka iyo Isra’iil ay ku leeyihiin aduunka gaar ahaan Bariga Dhexe. Isbaheysigaan oo ay hogaamiso dowlada Iran, waxaa kamid ah dalalka Iraq, Suuriya, Lebanon iyo Yemen iyo kooxo aan dowli ahayn sida Xisbullaah iyo Xamaas.

Dalka Iran iyo isbaheysiga ka hortaga reer galbeedka dhicidii xukuumadda Bashar waxey u ahayd culeys iyo guuldarro siyaasadeed soo wajahday oo ay ku waayeen xubin isbaheysiga ka tirsaneyd iyo marin muhiim u ahaa oo ay ka taakuleyn jireen kooxaha ay gacansaarka la leeyihiin ee ka dagaalama dalal kale duwan.

Dhanka kale waxay guuldarro siyaasadeed u ahayd dowlada Ruushka oo awoodeeda caalamka hoos udhac ku yimid hadana qorsheyneyao inay saldhigyadeeda ciidan ee Suuriya ula wareegto dalka Liibiya oo ay ku muransan yihiin dowlada Liibiya iyo maamulka mucaaradka uu hogaamiyo hogaamiyaha Khalifa Haftar.

Dalalka aad looga soo dhaweeyay dhicidi Bashar Al Asad ayaa waxaa kamid ah dowladaha reer galbeedka oo iyaga u arka inay wiiqeen awoodda dalka Iran iyo isbaheysigeeda gobolka iyo awoodaha kale ay isku hayaan siyaasada caalamka. Marka la qiimeeyo dalalka ku guuleystay dhicidii xukuumadda Bashar waxaa ugu horeeya dalka Turkiye oo isaga kooxihii uu garabka siinaayey ay dalka la wareegeen sidoo kalena noqday dalalka daneeya arimaha Suuriya kan ugu saameynta badan. Waxaa noqday dalka labaad ee ku guuleystay rididdii xukuumadda Bashar dalka Isra’iil oo isagana lug ku lahaa in jabhada HTS ay xukunka ka rido Bashar Al Asad una arka inay kala gooyeen buundadii isku xiri jirtay xoogagga ay dagaalka kula jirto oo ay Iran dhabarka ka fadhido.

Gunaanad

Dowladda cusub iyo isbaheysiga cusub ee ay hogaaminaayaan kooxaha sunniyiinta oo ay soo gacanqabteen dalka Turkiye iyo dowladaha reer galbeedka ayaa caqabaha dibeda ka haysta waxaa kow ka ah damaca dowlada Isra’iil oo ku aadan Isra’iisha weyn (Great Israel) oo dhulweyn oo dalalka carbeed ay ku sheeganeyso iyo dowlada Turkiye oo loo arko qudheeda mid deegaano ka tirsananaan jiray Boqortooyadii Cusmaaniyada oo dalka Suuriya katirsan ay daba joogto.

Dhanka kale caqabaha gudaha waxaa ugu weyn cabsi iyo walaac ay ka qabaan dadka laga tiro badan yahay ee dalkaas ku nool sida ay ula dhaqmi doonto xukuumadda cusub iyo doorka ay ku yeelan doonaan dowlada cusub ee Suuriya. Markii laga yimaado siyaasadaha dibeda ee dalkaas ku hardamaya, dalka Suuriya oo burbur dheer kujiray oo ah dal dhaqamo kale duwan iyo diimo kale duwan ay ku nool yihiin ayaa wajahaya farogelin shisheeye iyo kala qeybsanaan una baahan awoodqeybsi cadaalad ku saleysan iyo in la mideeyo shucuubtiisa kale duwan.