Heshiis laga gaarey khilaafkii hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa ku guulaystey in xal laga gaaro khilaafkii…

26 October, 2026

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa ku guulaystey in xal laga gaaro khilaafkii siyaasadeed oo muddo u dhexeeyey Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Cawali, iyo ku-xigeenkiisa, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo muddo bil ka badan soo jiitamayey.

Khilaafka ayaa la xiriiray arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin dhismaha Taliska 26-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), awoodaha maamulka, matalaadda gobolka Sanaag iyo buuxinta kuraas ay banneeyeen xildhibaanno u wareegay Somaliland oo ugu dambayn garabka Madaxweyne Firdhiye ku guulaystey.

Dhexdhexaadin maalmo badan qaadatay kadib, labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan saacado qaatay, oo ay kaga wada hadleen khilaafkii hore ee u dhexeeyey, ugu dambayna ay is-afgarad ka gaadheen, isla markaana ay iska laab xaadheen wixii tabashooyin iyo is-maandhaaf ah ee hore u jiray.

Khilaafku wuxuu hore u saameeyey wada-shaqaynta hoggaanka iyo laamaha maamulka, iyadoo uusan Madaxweyne ku-xigeenku xaadirin furitaanka kal-fadhigii barlamaanka, shirarkii golaha xukuumadda ilaa soo dhaweyntii Firdhiye ee Magaalada Laascaanood.