Hindiya ayaa tijaabisay gantaal ballistic ah oo xambaari kara hubka Nukliyeerka

21 August, 2025

Dowladda ayaa sheegtay in gantaalka riddada dhexe uu qaadi karo dhowr madax oo nukliyeer ah.

Hindiya ayaa ku guulaysatay tijaabinta gantaal ballistic ah oo riddada dhexe ah, dawladdu waxay sheegtay Arbacadii, iyada oo intaa ku dartay in ay awood u leedahay in ay qaado madaxyo badan oo Nukliyeer ah.

Wargeysyada maxalliga ah ayaa sheegay in gantaalkan uu gaari karo inta u dhaxaysa 700 ilaa 900 kiiloomitir (430 ilaa 560 mayl).

Dhoolatuskan ayaa yimid waxyar kahor dhaqangelinta kordhinta canshuuraha ee Mareykanka uu kusoo rogay Hindiya. Maraykanka ayaa ku hanjabay inuu kor u qaadi doono canshuuraha laga bilaabo 25% ilaa 50% marka la gaaro Agoosto 27 haddii India ay joojin weydo iibsashada saliidda Ruushka.

Bishii hore, Ra’iisul Wasaare dalkaasi Narendra Modi ayaa sheegay in waddankooda uu xooga saari doono inuu noqdo mid isku-filan xagga difaaca.

Tijaabada ayaa daba socota xiisada sii kordheysa ee kala dhexeysa dalka deriska ah ee Pakistan kadib weerar ka dhacay gobalka Kashmir.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in dalkiisa uu dhisi doono ciidan cusub oo ah awooda dhanka gantaalada.