Hindiya oo baadi goobaysa rag Kashmiir ku diley 26 ruux.

23 April, 2025

Laamaha ammaanka ee dalka Hindiya ayaa baadigoobaya dableydii ka dambeysay weerar lagu qaaday koox dalxiisayaal ah…

Laamaha ammaanka ee dalka Hindiya ayaa baadigoobaya dableydii ka dambeysay weerar lagu qaaday koox dalxiisayaal ah oo ku sugnaa Magaalada Pahalgam ee maamulka Kashmiir.

Weerarkaan ayaa waxaa lagu diley 26 ruux oo dhammaan rag ahaa, waana dhacdadii ugu dhimashada badneyd muddo sanado ah oo ka dhacda gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, oo soo gaabiyay booqasho qaran oo uu ku joogay Sacuudi Carabiya, ayaa dhalleeceeyay falkaan oo uu ku tilmaamay mid foolxun, wuxuuna ballan-qaaday in kuwii weerarka ka dambeeyey caddaaladda la horgeyn doono.

Kooxda loo yaqaanThe Resistance Front, ayaa farriin baraha bulshada ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in in ka badan 85,000 “Dibad-joog” ah la dajiyay gobolkaasi.