Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 44 muwaadin oo…

Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 44 muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas oo dhammaantood lagu sheegay inay kasoo jeedaan Dowlad-Goboleedka Puntland, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira burcad-badeednimo iyo afduubka laba markab oo ganacsi oo marayey biyaha caalamiga ah sanadkii 2024.
Sida ay sheegtay maxkamaddu, eedeysanayaasha ayaa lagu helay inay ka qeyb qaateen weerarro lagu qaaday maraakiibta MV Ruen iyo MV Abdullah, kuwaas oo xilligaasi ay afduubteen kooxo hubeysan. Ciidamada Badda ee Hindiya ayaa howlgal ballaaran oo dhacay bishii Maarso 2024 ku soo qabtay raggan, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen markabka MV Ruen oo ay saarnaayeen.
Garsooraha kiiska ayaa sheegay in caddeymaha la horgeeyey maxkamadda ay muujinayeen in eedeysanayaashu ku lug lahaayeen falal burcad-badeednimo, afduub iyo hanjabaad loo geystay shaqaalihii maraakiibta.
Maxkamadd ayaa ku xukuntay dhammaan 44-ka nin xabsi daa’in, iyadoo sidoo kale lagu waajibiyey ganaaxyo lacageed sida uu dhigayo sharciga la dagaallanka burcad-badeednimada ee Hindiya.




