Hogaamiyaha militariga Mali Goita ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii ballaarnaa ee Axaddii ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, isagoo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay dagaallada.

Goita ayaa sheegay inay socdaan hawlgalo lagu sugayo amaanka, wuxuuna Talaadadii shalay kulamo la yeeshay wafdi ka socda Ruushka oo uu hogaaminayo safiirka dalkaasi u fadhiya Igor Gromyko.
Ruushka oo taageero militari siiya xukuumada Militariga Mali ayaa sheegay inay gacan kasiinayaan dowladaasi sidii amaanka loo sugi lahaa.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa lagu sheegay inay ciidamadooda oo gacan siinaya kuwa Mali ay ka hortageen afgembigii ay damacsanaayeen kooxaha weerarka soo qaaday.
“Dagaallo xooggan oo ay la galeen ciidamada cadawga oo aad u xooggan, cutubyada Ciidanka Afrika waxay cadowga u geysteen khasaare aan laga soo kaban karin oo isugu jira naf iyo maal, taasoo ku qasabtay inuu fashilo qorshayaashooda laguna hor istaagay inay fuliyaan afgambi, iyadoo dowladda sharciga ah weli awooda heysato,” ayaa lagu yiri qoraalka Ruushka.
Hase yeeshee ciidamada Ruushka ayaa la sheegay inay baneeyeen qaar kamid ah xarumahoodii, intay socdeen dagaaladii ugu danbeeyey.

Dhinaca kale, hogaamiyaha kooxda Al-Qacida ee dalkaasi ayaa sheegay in go’adoon ay geliyeen gebi ahaan magaalada Caasimadda ah ee Bamako, wuxuuna digniin u diray shacabka, isagoo sheegay inay si nabad ah uga bixi karaan magaalada, hase yeeshee aan la ogolaan doonin in lasoo galo magaalada.
Xiisada ayaa weli taagan iyadoo kooxaha weerarka soo qaaday ee Al-Qacida iyo Fallaagadda Tuareg ay weerarkoodii Axaddii ku khaarajiyeen Wasiirkii Difaaca ee Mali, Jeneraal Sadio Camara.



