Hogaamiyaha Masar oo xabsiga kasii daayey mid kamid ah dhalinyaradii kacdoonka gu’ga carabta

Blogger-ka iyo dhaqdhaqaaqeha Masri-Ingiriiska ah ee Alaa Cabdilfataax ayaa caan noqday intii lagu jiray kacdoonkii Guga Carabta ee ruxay xukunkii mudo dheer ee kali-taliyihii Masar, isaga oo markaas ka dib noqday astaan u taagan halganka xuquuqda aadanaha ee dalkiisa.

22 September, 2025

Isniintii, Madaxweynaha Masar Cabdilfataax al-Sisi ayaa cafis u fidiyay samigiisa cabdifataax, sida ay sheegeen kanaallo telefishin oo u dhow dowladda, wax ka yar laba toddobaad kadib markii Sisi uu amray in la baaro sii deyntiisa.

Ololayaal joogto ah oo ay qoyska wadeen iyo cadaadis uga yimid dawladda Ingiriiska – oo ay ku jirtay codsi uu Ra’iisul Wasaare Keir Starmer u diray Sisi bishii Febraayo – ayaa horey u guuldareystay in ay keenaan sii deyntiisa.

Cabdilfataax, oo 43 jir ah, wuxuu xabsi ku qaatay inta badan tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ugu dambayn lagu xukumay shan sano bishii Diseembar 2021 kadib markii uu baraha bulshada ku wadaagay qoraal ku saabsan geerida maxbuus.

Cabdilfataax, waa ololeeye khibrad dheer u leh dimuqraadiyadda, waxaana uu markii ugu horreysay xabsi ku galay ka hor kacdoonkii 2011 ee meesha ka saaray Madaxweyne Xusni Mubaarak, kaas oo rajo u abuuray jiil firfircoon oo dhaqdhaqaaqayaal ah gudaha Masar iyo meelo ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee, nasiibkiisu wuu xumaaday markii taliyihii hore ee ciidamada qalabka sida, Sisi uu 2013 xilka uga tuuray Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiin, isla markaana bilaabay xakameyn adag kadib markii ciidamada ammaanku dileen boqolaal mudaaharaadayaal ah. Islaamiyiinta, bidixda iyo xurriyad-doonka ayaa dhammaantood la eryey, iyadoo Sisi uu noqday madaxweyne sannadkii 2014.

Buug ka mid ah qoraalladiisa – qaarna si qarsoodi ah looga soo qaaday qolka xabsigiisa – ayuu Cabdilfataax ku sheegay inuusan waligiis malaynayn in kaddib kacdoonkii meesha ka saaray kali-taliyaha, uu mar kale dib ugu noqonayo xabsiyadiisii.

Horseed Media