Amani Golugwa ayaa markii la xiray u safrayey shirka ka dhacaya Brussels.

Tanzania ayaa xirtay xubin sare oo ka tirsan mucaaradka ugu weyn dalkaas, xilli uu doonayay inuu u duulo Belgium si uu uga qeyb galo shir, xisbiga CHADEMA ayaa sidaas sheegay Talaadadii.
Amani Golugwa, ku xigeenka xoghayaha guud ee CHADEMA, ayaa lagu xayiray garoonka caalamiga ah ee Julius Nyerere, waxaana lagu hayaa saldhiga dhexe ee magaalada caasimada ah ee Dar es Salaam, xisbigiisa ayaa sidaa ku shaaciyay bartooda X.
Golugwa ayaa lagu waday inuu u safro Brussels si uu u matalo CHADEMA shirka Midowga Dimoqraadiyadda Caalamiga ah (IDU), oo ah isu imaatinka xisbiyada siyaasadeed ee midig-dhexe.
Booliisku waxay ku xaqiijiyeen xadhiga war qoraal ah oo ay soo dhigeen barta Instagram-ka, iyagoo ku eedeeyay in Golugwa “lagu yaqaan dabeecad ah inuu ka baxo dalka uuna kusoo noqdo dalka isaga oo aan marin habraac sharci ah.”
“Booliiska Daarasalaam ayaa sii wada baadhista arrintan ku saabsan iyadoo lala kaashanayo laamaha kale ee amniga,” ayaa lagu daray qoraalka kasoo baxay dowlada.
Xarigan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee lala beegsado xisbiga mucaaradka ah ee dalkaas oo isku diyaarinaya doorashada bisha Oktoobar.