Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa magaalada Riyaad kula kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, safarkiisii ugu horreeyay ee caalami ah Axaddii.

Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa maanta oo Axad ah booqasho caalami ah ku tagay dalka Sacuudiga, tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah hogaamiyihii labaad ee Khaliijka ee la kulma Sharaa tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha ku meel gaar ah todobaadkii hore.
Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa magaalada Dimishiq kula kulmay Khamiistii, isagoo noqday madaxii ugu horeeyay ee booqda caasimadda Suuriya tan iyo markii Bashaar Al-Asad xilka laga tuuray bishii December.
Sharaa, oo ah siyaasi, horeyna gacan saar ula lahayd Al-Qaacida, ayaa tan iyo markii la riday Asad isku dayayey inuu taageero ka helo madaxda Carabta iyo kuwa reer Galbeedka.
Sharaa waxaa booqashadiisa ku wehliyey wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Hassan al-Shibani.