Hogaamiyaha Suuriya oo booqasho ku tagaya dalka Turkiga

3 February, 2025

Madaxtooyada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa uu booqan doono Ankara berri oo Talaado ah, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxa Waaxda Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, Fakhruddin Altun, ayaa sheegay in Erdogan iyo Al-Sharaa ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Suuriya, iyadoo ay sii dheer tahay tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, laguna gaaro xasillooni iyo amni waarta.

Altun ayaa intaa ku daray in labada madaxweyne ay sidoo kale ka wadahadli doonaan taageerada uu Turkiga u fidin karo dowladda KMG ah ee Suuriya iyo shacabka Suuriya.

Turkiga ayaa noqon doona safarkii labaad ee uu ku tago Al-Sharaa, kaasoo maanta soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay dalka Sacuudiga oo uu kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga (SPA) ayaa sheegtay in dhaxal sugaha iyo madaxweynaha Suuriya ay ka wadahadleen ” xaaladihii ugu dambeeyay ee Suuriya iyo siyaabaha lagu taageerayo ammaanka iyo xasilloonida Suuriya.” , marka laga soo tago in dib u eegis lagu sameeyo xaaladaha gobolka.