Hogaamiyaha Suuriya oo Dimishiq kula kulmay madaxa sirdoonka Turkiga

27 January, 2025

Hogaamiyaha maamulka cusub ee Siiriya Axmed Al-Sharaa ayaa shalay magaalada Dimishiq kula kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday dowlada Turkiga oo uu hogaaminayay madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Al-Sharaa ay wafdiga Turkiga kala hadleen arrimaha amniga.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Suuriya, Asaad Al-Shaibani, iyo madaxa sirdoonka guud, Anas Khaddab.

Wakaaladdu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nuxurka kulanka, balse waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo labada dal ay sii wadaan xoojinta xiriirkooda dhinacyada kala duwan iyo booqashooyinka labada dal, kadib markii la afgambiyay maamulka Bashaar Al-Asad ee xukunka laga tuuray.

Wasiirka Difaaca Suuriya Murhaf Abu Qasra ayaa xaqiijiyay in xiriirka Turkiga uu noqon doono mid aad u wanaagsan, isaga oo intaa ku daray in ay kala hadlayaan madaxda Turkiga ee ku sugan Ankara sidii ciidamada Turkiga ee Suuriya jooga.