Hogaamiyaha Xamaas oo sheegay inuu xakameyn doono weerarada ay ku qaadaan Israa’iil, laakiin wuxuu diiday wax hub ka dhigis ah

10 December, 2025

Hogaamiyaha Siyaasada ee Xamaas, Khaled Meshaal, ayaa ballanqaaday in kooxdu ay qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo weerarrada mustaqbalka ee lala beegsado Israa’iil, laakiin wuxuu intaas ku daray in wareejinta hubkooda ay la mid tahay “burburka” kooxda.

Wareysi uu siiyay telefishinkna Al Jazeera oo la baahin doono fiidnimada Arbacada, hogaamiye Meshaal wuxuu ku soo bandhigay mowqifyada kooxda ee wadahadalka Gaza, iyadoo ay sii kordheyso walaaca laga qabo inuu burburo gebi ahaan dadaalka wadahadallada xabad joojinta, xili uu gebo-gebo marayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad-joojinta Marinka Gaza.

Xamaas ayaa Talaadadii sheegtay in xabad joojintu aysan horay u socon karin haddii Israa’iil ay sii waddo jebinta heshiiska, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in xabad joojinta la jebiyay ugu yaraan 738 jeer tan iyo markii ay dhaqan gashay 1okii bishii Oktoobar.

Meshaal ayaa sidoo kale u sheegay Al Jazeera in Xamaas aysan aqbali doonin maamul aan reer Falastiin ahayn oo mustaqbalka ka taliya Gaza, iyadoo la isla dhexmarayo in la sameeyn doono “guddiga maamul” uu hogaamiyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo xukunka kala wareegaya kooxda Xamaas oo Gaza ka talineysay tan iyo sanadkii 2006.

Xabbad-joojintii uu Mareykanku dhexdhexaadinayay bishii Oktoobar ayaa inta badan dhaqan-gashay, inkastoo ay Israa’iil si joogto ah u jabisay. Ugu yaraan 377 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza, tan iyo intii ay dhaqan-gashay Xabad-joojinta.