Hogaamiyayaasha Yurub ayaa Brussels kaga wada hadlaya sidii ay u taageeri lahaayeen Ukraine

20 March, 2025

Isuduwaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaya Kalas ayaa sheegtay in laba milyan oo madaafiic ah la siinayo Ukraine si ay u xoojiso difaaceeda ka dhanka ah duullaanka Ruushka ee socda.

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay maanta oo Khamiis ah ku kulmaan magaalada Brussels si ay uga wadahadlaan taageerada ay siinayaan Ukraine, iyadoo ay sii dheer tahay dadaallada lagu xaqiijinayo dhaqaalaha Midowga Yurub.

Isku-duwaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Kaya Kalas, ayaa muujisay rajada ay ka qabto in laba milyan oo madaafiic ah la siin doono Ukraine si ay u xoojiso difaaceeda ka dhanka ah duullaanka Ruushka ee socda, ka dib markii ay ku guul-darraysatay inay hesho taageero ku filan toddobaadyadii la soo dhaafay, taageeradan ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo gargaar milateri oo u dhexeeya 20 iyo 40 bilyan oo Yuuro.

Kulanka soo socda ee hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la qaban doonaa bisha June.

Horseed Media