Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz iyo Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa ah markii ugu horreysay oo hoggaamiyeyaasha afarta dal ay si wadajir ah u tagaan Ukraine.

Hogaamiyayaasha Britain, France, Germany iyo Poland ayaa sabtidii magaalada Kyiv kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, waxayna la yeesheen wadahadalo ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin maalin kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qabtay dhoolatuska xuska markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka.
Shir-madaxeedkan ayaa looga doodi doonaa soo jeedinta Maraykanka iyo Yurub ee xabbad-joojinta 30-ka maalmood ah ee dagaalka Ruushka ee Ukraine, taas oo haddii ay diiddo Moscow ay arki doonto inay si wadajir ah u soo rogaan cunaqabatayn cusub, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz iyo Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa ah markii ugu horreysay oo hoggaamiyeyaasha afarta dal ay si wadajir ah u tagaan Ukraine.
“Waxaa ugu baaqaynaa Ruushka inuu ogolaado xabbad joojin buuxda oo 30 maalmood ah oo shuruud la’aan ah si loo abuuro meel lagaga wada hadlo nabad waarta oo caddaalad ah,” ayay afarta hoggaamiye ku sheegeen hadal ay si wada jir ah u soo saareen.
Horseed Media