Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, iyo Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa maanta oo Isniin ah ku kulmaya Brussels.

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, iyo Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa maanta oo Isniin ah ku kulmaya Brussels si ay isugu dayaan inay sare u qaadaan kharashka difaaca ee isbaheysiga, iyo sidii ay ula macaamili lahaayeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kadib markii uu go’aansaday inuu soo rogo cashuuraha kastamka ee alaabta laga keeno Kanada, Mexico, iyo Shiinaha.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee Ukraine ku dhawaad ​​3 sano ka hor, wadamada Yurub waxay si weyn u kordhiyeen miisaaniyadooda militariga. Balse hogaamiyayaasha wadamadan ayaa ku dhawaad ​​si buuxda u qiraya in dalalkooda aysan wali hubeyn si ku filan.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu weerar ku qaado mid ka mid ah dalalkan Yurub sanadaha soo socda.
Ku soo laabashada Trump ee Aqalka Cad ayaa dood cusub keentay. Waxa uu hadda ka dalbanayaa dalalka Yurub in ugu yaraan ay laba jibaaraan kharashaadkooda ciidan, wax aan ka yarayn 5% wax soo saarka guud ee dalalkooda.
Sannadkii hore, waddamada EU-da waxay ku bixiyeen celcelis ahaan 1.9% GDP-ga difaaca – qiyaastii $335 bilyan.