Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku baaqay midnimo ujeedaduna tahay in laga hortago “qorshayaasha” Mareykanka ka dib markii Donald Trump uu la wareegay madaxtinimada dalkaasi.

Yurub waxay ka baqaysaa in Trump uu dib u qiimeeyo xidhiidhka xulafada la leeyahay si uu u helo shuruudo badan oo u wanaagsan Maraykanka, xoojiyo ka sarreynta Maraykanka ee cadawga sida Shiinaha iyo Ruushka, iyo in Maraykanku ka takhaluso waajibaadkiisa ururada caalamiga ah, sida (NATO).
Mid ka mid ah cabsida ugu weyn ee Yurub ayaa ah in tillaabooyinka hal-geeska ah ee Maraykanku ku soo rogayo canshuuraha iyo yareynta ballanqaadka xulafadiisa.
Germany
Kadib markii hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz uu ugu hambalyeeyay Trump caleema saarkiisa madaxweynaha hadal uu ku shaaciyey “X” shalay, wuxuu yiri, “Anaga oo ku sugan Midowga Yurub, oo leh in ka badan 400 milyan oo qof oo ku nool 27 waddan, waxaan sameysan doonaa iskaashi xooggan.”
Hogaamiyaha xisbiga Christian Democratic Union, Friedrich Merz, oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Jarmalka, ayaa ugu baaqay reer Yurub inay ku dhaqmaan si isku kalsoon oo ay u midoobaan ka hortagga Trump.
France
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay Yurub inay hurdada ka kacaan, wuxuuna sheegay in qarashka difaaca la kordhiyo si loo yareeyo ku tiirsanaanta Mareykanka.
Dhanka Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska François Bayrou, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Midowga Yurub iyo Faransiiska la burburin doono haddii aysan sameynin wax liddi ku ah siyaasadaha Trump.
Spain
Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in qof kasta oo Yurub ku nool ay tahay inuu u kaco sidii uu dimuqraadiyadda uga difaaci lahaa awooda dhaqaalaha, tignoolajiyada iyo warbaahinta ee ku xeeran Trump.
Hungary
Ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orban ayaa sheegay in madaxweynenimada Trump ay horseedi doonto xoojinta garabka midig ee Yurub.
Orban waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasadaha liberaaliga ah iyo hanuuninta maamulka Midowga Yurub ay Yurub ka fogeeyeen Shiinaha, Ruushka iyo Afrika oo uu ku tilmaamay qaarada mustaqbalka, iyo in awooda dhaqaale ay ka guurto reer galbeedka una wareegto Aasiya.
Waxaa xusid mudan in intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay, Trump uu muujiyay inuu ka meermeerayo NATO iyo dhaleeceynta kharashka difaaca Yurub, waxaana laga yaabaa inuu mar kale arrimahan si qoto dheer u sii qaado.
Dhamaadkii bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Trump wuxuu sheegay in waddamada xubnaha ka ah NATO ay tahay inay ku bixiyaan ugu yaraan 3% wax soo saarka guud dhanka difaaca, halkii ay horey u ahayd boqolkiiba 2%.