Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo wefdi uu…

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wefdigaan waxxaa diyaaradaha Shaati-guduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia, xildhibaano heer federal ah, siyaasiyiinta deegaanka, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada.
Socdaalka Jibriil ee Magaalada Baydhabo ayaa la xiriira dhammeystirka qorshaha dhisidda nidaam maamul oo ku yimaada rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ay ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Somalia ayaa dhawaan hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed ka fara-maroojisey Madaxweyne Lafta-gareen oo xafiiska joogey muddo 7 sano ah, iyadoo Jibriil Cabdirashiid Xaaji loo igmaday dhammaystirka doorashooyinka deegaankaasi.



