Madaxweynaha Eritariya, Isaayaas Afewerki ayaa Khamiistii gaarey Magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar, oo ay uga…

Madaxweynaha Eritariya, Isaayaas Afewerki ayaa Khamiistii gaarey Magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar, oo ay uga bilaabatay booqasho shan cisho ah.
Wasiirka Warfaafinta Eritariya, Yamana Gebremasqal ayaa sheegay in Isayas iyo Cabdalfataax al-Sisi ay yeesheen wadahadalo ballaaran oo mira-dhal ah, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha dalkaasi, Isayas Afewerki oo xilligan uu khilaaf xooggan kala dhexeeya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa muddooyinkan dambe dawladiisu ay eedaymmo u soo jeedinaysay xisbiga talada Itoobiya haya ee la yidhaahdo Barwaaqo.
Dhanka kalena, Madaxweyne al-Sisi ayaa sheegay inay Masar taageerayso madax banaanida Eritrea iyo guud ahaan nabadgelyada dalalka geeska Africa oo Somalia kamid tahay.



