Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo markale maanta laysugu geynayo Xalane.

14 May, 2026

Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii 2aad maanta ku…

Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo kuwa golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulankoodii 2aad maanta ku yeelan doona dhisme kuyaalla xayndaabka Xalane ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qaybgelaya Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh , Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Salaax Jaamac oo dhinac ah, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni , iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed oo dhinac ah ayna goobjoog ka ahaayeen safiirrada dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo door dhexdhexaadin ah ka qaatay wadahadallada.

Kadib kala-taggii shalay waxaa kulanka maanta markale diiradda lagu saarayaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo cabashooyinka la xiriira xorriyadda hadalka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay doonayaan doorashadii dadbanayd oo horumarin lagu sameeyo maadaama aysan jirin doorasho dadweyne oo lagu kalsoonaan karo.