Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo ay u kala garqaadayaan wakiilo katirsan beesha caalamka ayaa markii 3aad kulan ku…

Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo ay u kala garqaadayaan wakiilo katirsan beesha caalamka ayaa markii 3aad kulan ku yeeshay mid kamid ah xafiisyada gaarka ah ee ku yaalla xayndaabka Xalane.
Kulankii maanta oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Xasan Sheekh, RW ku-xigeen Saalax Jaamac, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa siweyn looga doodey arrimaha doorashooyinka dalka.
Inkastoo uusan jirin is-afgarad la gaarey haddana ilo wareedyo ayaa sheegaya in rajadu ay ka wanaagsan tahay middii kulankii 1aad ayna dhinacyadu markale kulmi doonaan, iyadoo qodobada ugu xasaasisan ay kamid yihiin nooca doorasho iyo muddo xileedka madaxda dowladda Somalia.
Wakiilada beesha caalamka ayaa dhinacyada ku cadaadinaya inay heshiis gaaraan iyagoo u sheegay in haddii ay kala tagaan ay qaadi doonaan tallaabooyin aan farxad gelin doonin mustaqbalka Somalia.



