Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa…

Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka gaarey degmada taariikhiga ah ee Taleex oo siweyn loogu soo dhweeyey.
Hoggaamiye Firdhiye oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.
Socdaalkaan oo noqonaya midkii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Taleex tan iyo intii xilka loo doortay ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanka, abaabulka bulsho ee difaaca deegaanka iyo u diyaar garawga marxaladaha kala guurka ah ee maamulkaasi.

