Hoggaamiye Firdhiye oo hambalyo iyo codsi u diray Puntland.

1 August, 2025

Siihayaha hoggaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa ka hadlay doorkii shacabka iyo…

Siihayaha hoggaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa ka hadlay doorkii shacabka iyo xukuumadda Puntland ka qaateen difaaca gobolka Sool iyo dowlad dhiska deegaamada maamulkaasi.

Hoggaamiye Firdhiye, ayaa ugu horrayn shacabka reer Puntland ugu hambalyeeyey munaasabadda sanad guurada 27aad ee ka soo wareegatey aasaaskeedii, wuxuuna u rajeeyey nabad iyo horumar waara.

“Waxaan u mahadclinayaa cidkasta oo halgankii iyo dowlad dhiskii qayb ka ahayd oo ay ugu horreeyaan xukuumadda iyo shacabka Puntland, caawa waxay u dabaal degayaan sanad guuradoodii 27aad waxaana ku hambalyeynayaa nabadgelyada, xasiloonida, waxaan lee yahay waa munaasabad iyo dabaal deg aan idinla leenahay”, Ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.

Hoggaamiyaha ayaa intaasi ku daray,”Haddii mararka qaar cod aan nafarax gelin uu ka soo yeeray xaggaana midnimaan ka dooranay, waxaan lee yahay isku duubnimada dadka walaalaha ah wixii carqaladaynaya xagga iyo xaggaba meel ha looga soo wada jeensado”.